METAVERSE IYO DUNI QIYAALI AH…
Metaverse Duni qiyaali ku dhisan Iyo Adeega 5G ee Internet ka
Adeega 5G ee Isgaarsiinta Internet ka casrigaa ayaa dunidan kusoo kordhin doona adeegyo Iyo qaab nololeedyo cusub Kaa oo ay shirkadaha
waa weyn isku diyaarinayaan sidi ay ula fal gali lahaayeen macaamiishoodana ugu soo kordhin lahaayeen adeegyo cusub.Shirkadaha magaca badashay ama adeegyada cusub ujiheystay ma aha Facebook oo kaliya ee waxaa la mid ah shirkada Google Iyo kuwa kaloo badan.
Dag dagsiimada loo sameeyay adeega metaverse waxaa sabab u ahaa natiijada musiibadi COVID-19. Maaddaama ay dad badani bilaabeen inay Guriga kasoo shaqeeyaan ardaydana xaadiraan iskuulada ayagoo guriga jooga, markaa waxaa kordhay baahida loo qabo siyaabo kale oo lagu sameeyo isdhexgal dadka oo online ah gaar ahaan mid ku dhisan nolosha qiyaaliga ah oo ay noqon karaan sida dad hal meel isla jooga.
Macnaha Metaverse waxa loola jeedo hadaan si kooban idin kugu sheego waa erey Guud oo tilmaamaya Isla waadigista bay'ad ama duni ku dhisan qiyaali oo dadku ay ku wadaagi karaan internetka dhexdiisa.
Dadka ayaa awood uyeelan doona ayagoo kala fog in ay is qiyaali ah iskula joogaan, magaalada isku raaci karaan, wada shaqeey karaan, wax wada baran karaan, isla soo adeegan karaan, hal film isla daawan karaan Iyo wixi la mid ah adinkoo kala fog balse qiyaali kuwada jooga.
Waxaa jira nooc gaar ah oo metaverse ah kaas oo isticmaala tignoolajiyada loo yaqaano blockchain oo aad ku iibsan karto dhul iyo hanti kale ba meel kastoo aduunka ka mid ah adigoo isticmaalaya lacagta loo yaqaano cryptocurrencies.
Sidoo kale Fanaaniinta ayaa awood uyeelan doona in ay samayn karaan riwaayado ayagoo ku dhex jira meel la isku balansaday oo dunidaan qiyaaliga ah. Tusaale ahaan, bishii Sebtembar malaayiin dad ah ayaa daawaday oo ka qeyb galay bandhig fannaanka Ariana Grande uu si dhab ah ugu soo bandhigay Fortnite, Ciyaaraha Epic.
Bukaanada bukaan Socod ka loo yaqaano ayaa awood uyeelan doona in ay booqdaan isbitaalki ay doonaan oo isticmaala adeegan adigoo la kulmi kara dhaqtar jooga mareykanka ama dunida inteeda kale kaana daaweyn kara xanuunada qaar tusaale inuu xaaladaada arko meesha ku xanuuneysa aad feedo oo tusto daawana uu kuu qori karo.
Shirkadaha caanka ah ee soo Saara dharka gaar ahaan kuwooda adduunka ugu waaweyn ayaa sidoo kale tijaabiyay samaynta dhar casri ah, kuwaas oo ay dadku iibsan karaan kuna dhex xiran karaan dunidan qiyaaliga ah dhexdeeda. Tusaale ahaan qof asxaabta kamid ah ayaa arooskiisa ku dhigan kara tiknoolojiyadan casrigaa dhexdeeda markaa waxaad awoodaa inaad dhar qaali ah si qiyaali ah usoo iibsato gashato arooskina aad uga qeyb gasho adigoo hawadaa maraya.
Wax yaabaha kale ee 5G soo kordhin doono waxaa ka mid ah in aad gaarigaaga udiri karto in uu kaligii isa soo parking gareeyo ama kuu yimaado, albaabka isaga isku Kaa furo isla markaana isagu ku wado adigoon cabsi ka qabin Shil gaar maadaama ay dhamaan gawaarida is wada aqrin doonaan ayna ogyihiin xadiga ay isku jiridoonaan mustaqbalka dhaw.
Comments
Post a Comment