DANBI , DIL IYO DAGAAL MAXAAN UGU JIRNAA, DOW KALE MIYAAN WAYNAY??
Waxaan la hadlayaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Waa maxay dhalllinyaro? Dhalinyaradu waa wakhtiga nolosha marka uu Qofku yar yahay, badanaana waxay ka dhigan tahay waqtiga u dhaxeeya caruurnimada iyo qaangaarka. Da' ahaana waxaa lagu qoyaasaa inat tahay inta u dhaxaysa 15 ilaa 25 sano. Waxaa sidoo kale lagu sharaxay sidoo kale inay tahay waqtiga ay wanaagsantahay qofka muuqaalka, firfircoonida, shaqadiisa, ruuxdiisa iwm, qaabka qofka yar. Qeexitaano kala duwan ayaa laga bixiyaa balse haddii aan soo koobo. Qofka da'diisa waxaa lagu xeexaa celceliska 60 (Lixdan Sano), isla lixdankaas ayaa loo kala qaybiyaa 3 qaybood oo kala ah: 1. 20 ugu horeeya(0 - 20 Sano) waaxaa lagu qeexaa u diyaar garowga ruuxa Mustaqbalka Noloshiisa, waxaana ku jirta • Ababinra iyo korriinada qofka • Tarabiyada iyo wax barasha • U tababaridda qofka xirfadda iyo aqoonta uu ku shaqeysan lahaa si uu noloshiisa ugu dabaro. • Cibaadada Allah SW 2. 20 sano ee dhexe ku xigta (21 -40 sano) waxaa lagu...