DANBI , DIL IYO DAGAAL MAXAAN UGU JIRNAA, DOW KALE MIYAAN WAYNAY??
Waxaan la hadlayaa dhallinyarada Soomaaliyeed.
Waa maxay dhalllinyaro?
Dhalinyaradu waa wakhtiga nolosha marka uu
Qofku yar yahay, badanaana waxay ka dhigan tahay waqtiga u dhaxeeya caruurnimada iyo qaangaarka. Da' ahaana waxaa lagu qoyaasaa inat tahay inta u dhaxaysa 15 ilaa 25 sano.
Waxaa sidoo kale lagu sharaxay sidoo kale inay tahay waqtiga ay wanaagsantahay qofka muuqaalka, firfircoonida, shaqadiisa, ruuxdiisa iwm, qaabka qofka yar.
Qeexitaano kala duwan ayaa laga bixiyaa balse haddii aan soo koobo.
Qofka da'diisa waxaa lagu xeexaa celceliska 60 (Lixdan Sano), isla lixdankaas ayaa loo kala qaybiyaa 3 qaybood oo kala ah:
1. 20 ugu horeeya(0 - 20 Sano) waaxaa lagu qeexaa u diyaar garowga ruuxa Mustaqbalka Noloshiisa, waxaana ku jirta
• Ababinra iyo korriinada qofka
• Tarabiyada iyo wax barasha
• U tababaridda qofka xirfadda iyo aqoonta uu ku shaqeysan lahaa si uu noloshiisa ugu dabaro.
• Cibaadada Allah SW
2. 20 sano ee dhexe ku xigta (21 -40 sano) waxaa lagu qeexaa inay tahay 20 sano ee shaqada iyo wax soo saarka qofka, waxaana ku jirta sanado dhowr ah oo uu shaqsigu ku mashquulsanyahay.
• Cibaadada Allah SW
• Inuu shaeyato oo wax soo saaro
• Inuu Naftiisa, dadkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba u shaqeeyo.
• Inuu kayd dhaqaale sameysto si uu naftiisa iyo inta ku tiirsan ay ugu baxsadaan..
3. 20 sano ee ugu danbeysa (41 - 60 sano) waxaa lagu tilmaamaa inay tahay xilliga uu qofku yahah 2 mid inuu ku noolaado nolol sacaado iyo nasiino ah ama uu ku noolaado nolol qaxar iyo dhibaato ah taasoo ku xiran sida uu qofku uga faaideytay 40 kiisano ee hore.
Aan usoo laabano mowduuca aniga oo aan ku dheeraaneyn.
Haba dhallinyaro waxaan rabaa inaan idin waydiiyo suaalo dhowr ah:
1. Sanadadaadii diyaar garowga sideebaad uga faaiideysatay, wax baratay tarabiyadii waalidkaagu kysiiyeem maka faaiideysatay?
2. Dhallinyaro waqtigaaga ma waxaa ku jirta sanado laguu qorsheeyey inaad wax disho, wax dhacdo, ama danbiyo kale oo aad u xun xun aad gasho?
3. Markay noqoto dagaalka iyo wax dilka yaa yaa loo adeegsadaa qorshe yaalka dagaalka oo xabadda rida ama lagu dira?, runta sheeg amuu jiraa nin odey ah oo lagu aamino inuu dagaalka guulo waaweyn kasoo hoynaayo!
4. Ma isla qirsanahay inay dagaalada iyo xabbadda ku hoobtaan dhallinyaro ay ahayd inay waxtaraan Naftooda, Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda?
5. Adduunka ma jiraan qoomiyado sideenoo kale gumaada wax soosaarta dalkooda oo ah dhallinyarada?
Habadda dhallinyaro adiga ayaan kula hadlayaa waa adigaan qormadaydaan aqrinaaya, waxaan ku iri hadalkeyga u fiirsado:
Ka fikir hadalkayga.
Waxaa jiraan dad aad jeceshahay, oo si gaar ah qalbigaaga saameyn weyn ugu leh ka bilow xubnaha qoyskaaga: Hooyadaa, Aabahaa, Walaashaa, Walaalkaa, Abtigaa, Adeerkaa, Habartaa, Eedadaa, ina abtigaa, ina adeerkaa, sxbadaada qaali ku ah ee aad jeceshay in in kale oo aan halkaan ku xuain balse adiga kugu weyn.
Haddaba su'aasha aan rabo inaan ku weydiiyo waxay ay tahay,
1. Qofkee jeclaan lahayd dadkaan aan kor kusoo xusey iyo kuwo kale oo aanan ku xusinba in hortaada lagu dilo oo waliba si gardarro ah loogu dilo gardaro ah, isaga oo aan cidna danbinka galin?
Indhaha isku qabo oo ka fikir in door ah!
.......Waqti fiican qaado......
Indhahaaga kala fur oo waxaan noo sheegtaa qofkaasi qofka aad jeceshahay isla markaana aad rabto in sida micno darrada ah loo dilo?
Haddii aad wayday ama aadan la jeclayn dilka qof aad jeceshay oo aad u quurto in hortaada lagu dilo si gardarro ah.
U fiirso hadalkayga ma jiro qof dunidaan dushiisa jooga oo aan loo jeclayn sida aad adiguba dadkaaga u jeceshahay, si fiican uga fikir arrintaas ayadaa waa dhab waana xaqiiqo.
Suaasha ugu danbeysa ee aad rabo inaad ku weydiiyo waxa ay tahay.
Masii wadaydaa dilka dadka masaakiinta ah oo aan waxba kaa galabsan, adiga oo aan jeclayn in dadka aad jeceshahay la dilo, mise qalbigaaga wax naxariista ahba kuma jiraan oo waxaad tahay qof dhintay?
Dhallinyarow dhammaanteen, aan kala doorano labadaan mid...
1. Inaan waligeen ahaano qoryo dabka lagu shito uu danbaskoodana la iska fogeeyo! iyo
2. Inaan ahaato ubax la beertay oo la sugaayo miro dhalkiisa!
Haddii ka heshay qormadaan la wadaag qofkasta oo aad jeceshahay.
W/Q: Burhan Warsame Hersi

Comments
Post a Comment