CALAAMADAHA XIRIIRKA WANAAGSAN
1. Isqadarin iyo Isixtiraam – Tani waa calaamdda koowaad oo lagu garto in qofka aad xiriir wadaaggad tihiin lagu kala ogaan karo inuu kalsooni kugu qabo iyo in kale, haddii la waayo Xushmad iyo is qadarin waxaa muuqanaysa inaan wax wayn dhex oolin 2 daas qofood,.
2. Aaminaad – Is aaminaadu waxay shidaal u tahay oo ay kobcisaa kalsoonida, qofkasta oo kamid ah 2 da qof oo xiriirka ka dhexeeya waa inuu aaminaa kan kale, markastana aaminaaddu waxay ku fiican tahay in 2 da dhinacba ay ka jirto, haddii 1 dhinac oo kaliya ay tahay waxa badan masoo kordhayaan waana sababa keena in 2 da qof ay markass isku dhacaan ama uu muran badan dhex maro.
3. Daacadnimo – Daacadnimadu waxay dhistaa kalsoonida waxayna xoojisaa xiriirka, waana shayka kaliya oo bannaanka soo dhigi kara heerka uu qofba kan kale noloshiisa ka joogo, daacadnimadu ma ahan wax inta badana lagu garac karo muuqaan ahaan, ee waa wax la xiriira afcaasha iyo shaqamada dadka.
4. Tanaasulka – Taasulku waa shaqyga kaliya ee goaamiya soo socoshada ama soo afjaridda xiriirka 2 da qof ka dhexeeya, adduunkaan aan joogno lagama waayo caqabado nololeed markasta waxaa muhiim ah in tanaasul yimaado, waxaa inta badan imaado caqabado 1 dhinacle ana 2 dhinacle ah oo u baahan tanasul in laga sameeyo, haddii taas la waayo xiriirku ma qurux badnaado, mana sii waaro.
5. Iskaashi – Iskaashidu waa shay muhiim siiba marka ay lamaana xiriir wadaagta ah uu midba kan kale garab uga baahdo, waana waxa isku soo dhaweeya 2 da qof oo xiriirkana wanaajiya, inta badan waxaa dhacda qofka marmka uu garab kaaga baahanyahay haddii aadan caawin oo uu taageero badan kaa waayo inuu han jabo oo fursaddaas uu qof kale uga faaidaysto oo marka uu garab adiga kaa waayo uu u janjeersado qof kale ee garabka siiya xilliga uu u baahan yahay.
6. Dhiirogalin – Dhhiro galintu waa shay muhiim ah marka ay joogto lamaanah xirri wadaagta waxaa inta badan oo wajaho cabado u baahan in ka gudubkooda uu u helo qof la rab taagan talo siin iyo shiirogalin, waxay ka mid tahay hiilka ay isaga baahan yihiin 2 da lammaane ee xiriir wadaagta ah, dhiirogalintu waa astaan lagu garto heerka aad ka joogto qofka noloshiisa iyo inuu kula jecel yahay sansab iyo meeqaan sare inaad nolosha ka gaarto, dhiirogalintu af iyo addinba way gashaa.
7. Xakamaynta xanaaqa – Dhamaanteen waan xanaaqnaa, laakiin waxaa nolosha saameyn ku yeelan kara sida aan u xakamayno, inaad xanaaqaaga xakaysaa waxay ku siisaa fursad aad wax badan ku qiimayn karto oo aysan wax badan kaaga hoos bixin, waxaa aad u wanagsan in lamaanayaasha xiriir wadaagta ahi aysan goaamada ku dhagdhagin waqtiyada ay xanaaqsan yihiin, jaanisna ay isasiiyaan iskuna dayaan in qofba uu kan kale xaaladdiisa dajiyo, haddii xanaaqu uu 1 dhinacle yahay waa in dhanka kale uu qaato masuuliyadda ah inuu qofka kale dajiyo, haddii uu xanaaqu 2 dhinacle yahayna waa in 2 da qof ay jaanis isasiiyaan ay ku xakameeyaan xanaaqooda.
8. Mahadnaq – Inaad qofka uga mahad celisaa wax kasta oo wanaagsan oo uu sameeyo waxa ka qayb qaadataan qalbi fiyoobida qofka iyo inuu kuu arko qof qadarin iyo xushman wayn u hayso.
=Dhammaad=
W/Q: Burhan Warsame Hersi

Comments
Post a Comment